Dowladda Jabuuti oo soo iibsatay Markabkii ugu horreeyey ee xamuulka qaada

0
423

Dowladda Jabuuti oo soo iibsatay Markabkii ugu horreeyey ee xamuulka qaada

Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horraysay yeelatay Markab Xamuul oo qaada konteenarada iyo badeecadaha kala duwan.

Waxaa Markabkan lagu magacaabaa Africa Sun, isagoo qaadi kara 1,118 kunteenar, iyadoo ay soo iibsaday shirkad ay leedahay dowlada oo la yiraahdo Djibouti Shipping Company oo la aas-aasay 2017-kii.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo daahfuray Markabkan ayaa sheegay inuu yahay kii ugu horeeyey ee dowlada Jabuuti ay yeelato.

Waxaa uu intaas ku daray in markabkan uu yahay mid casri ah oo markiiba qaadi kara boqolaal Kontaynar, isagoo xusay inuu sidoo kale u adeegayo Soomaaliya.

Geelle ayaa xusay in markabka ay Jabuuti soo iibsatay uu culeyska ka yareyn doono maraakiibta waaweyn ee dhibka ku qabay inay ku soo xirtaan dekadahooda.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Jabuuti ay qorsheyneyso in ay soo iibsato maraakiib kale, bilooyinka soo aadanna ay soo bandhigeyso markab labaad oo hadda heshiiska dhameystirkiisa ay socoto.

Jabuuti oo ku taalla marin istaraatiiji u ah ganacsiga dunida ayaa mudooyinkan ku talaabsaneysay horumar dhinaca dekedaha casriga ah iyo maraakiibta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here