Dowladda Itoobiya oo Qunsul cusub u magacowday Somaliland

0
822

Dowladda Itoobiya oo Qunsul cusub u magacowday Somaliland

Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa xilka ka qaaday Qunsulkii dowladda Itoobiya u joogay Somaliland, waxaana ay soo Magacowday Qunsul cusub oo loogu tala galay in uu ka shaqeeyo xiriirka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Qunsulka cusub ee Itoobiya u joogi doona Hargeysa waxaa lagu magacaabaa Shamsudiin Axmed Rooble,waa Soomaali Itoobiyaan, Shamsudiin horay waxaa uu noqday Wasiir ku xigeen, Xildhibaan iyo Safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Waa nin si weyn looga yaqaano dalka Itoobiya, waana rugcaaddaa dhanka Duplomaasiyadda, waxaana la aaminsan yahay in uu wax badan ka badali doono Hanaanka xiriirka Somaliland iyo dalka Itoobiya.

Wakiilka Somaliland ee Itoobiya , Axmed Xasan Cigaal ayaa sheegay in isaga, Qunsulka cusub iyo dad badan oo Somaliland jooga ay yihiin Soomaali –Itoobiyaan.

Waxa uu soo dhaweeyay magacaabistiisa, waxaana uu xusay in Shamsuddiin muhiim u noqon karo xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here