Dowladda Federaalka oo xabsiyada Liibiya ka soo deysay 164 dhalinyarro ah

0
21

Dowladda Federaalka oo xabsiyada Liibiya ka soo deysay 164 dhalinyarro ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 164 ruux ah oo dhalinayarro ah, kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyada ku yaalla dalka Liibiya.

Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga, Taliyaha Booliska, iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha ee arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa saakay ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho 164 dhallinyaro Soomaaliyeed.

Dhallinyaradaas, 109 qof ayaa laga soo dejiyay Muqdisho, halka 55 qof oo kalena laga dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in ay wadaan daadaalo lagu soo deynayo dhalinyarro kale oo ku xiran xabsiyada dalkaasi Liibiya.

Boqolaal dhalinyarro ah ayaa xaalad adag ku wajahaya dalka Liibiya, kuwaasi oo daneynayay in ay u safraan qaaradda Yurub, balse xarig iyo jirdil la kumaya.