Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Waqtiga La Shaacinayo Imtixaanka Shahaadiga Ah

0
359

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Waqtiga La Shaacinayo Imtixaanka Shahaadiga Ah

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay waqtiga ay Wasaaradda ay shaacin doonto natiijada imtixaankii ay qaaday Wasaaradda.

Waxaa uu sheegay inay socoo qiimeynta ardaydii sanadkaan ka qeyb gashay imtixaanka sidoo kale ay socdaan howlihii sixitaanka Imtixaanka si Jaamacadaha dalka galaan Arday tayo leh.

Waxaa uu sheegay in Imtixaabkii ay sanadkaan qaaday Wasaaradda Waxbarashada uu ka duwanaa sandihii hore,isla markaana uu kusoo aadaya xilli xaalad adag ay ka jirta dalka sida Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay dagaal kula jirto ardayda fasalada qaar laga bootinayao,sida Arday ku jiray sanadkaan Fasalka labaad ee Dugsiga sare in sanadka xiga la geeynaayo fasalka Afaraad.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan mas’uuliyiintooda, isla markaana Shaqaalaha imtixaanka saxaya ay Wasaaradda krdhisay,sidoo kale todobaadka soo socda la shaacin doono natiijada imtixaanka.

Sanadkaan 2020 ayaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxaa ay Imtixaan ka qaaday in kabadan 34, 600 oo arday oo ay ku jiraan 500 oo Arday oo ka yimid degaannada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here