Dowladda Ciraaq ayaa cambaareysay gubista lagula kacay safaaradda Sweden ee Baqdaad oo saacadihii hore ee Khamiista maanta ah ay dab qabadsiiyeen mudaaharaadayaal, sida ay war ku soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, oo ugu yeertay hay’adaha amnigu in ay aqoonsadaan kuwii mas’uulka ka ahaa.
“Dowladda Ciraaq waxa ay ku amartay laamaha amniga inay baaritaan degdeg ah ku sameeyaan ayna qaadaan tallaabo kasta oo lagu ogaanayo xaaladda shilkan iyo in la ogaado cidda ka dambeysay” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.
Dibadbaxayaal ayaa dab qabadsiiyay safaaradda Sweden ee magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq, waxaana tallaanbadan ay dhacday ka hor qorshe mar kale lagu gubayo kitaabka Qur’aanka kariimka ah gudaha dalkaasi Sweden.
Qiiq ayaa ka kacayay dhismaha safaaradda Sweden, iyadoo mudaaharaadka ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha hoggaamiyaha diinta ee Moqtada Sadr.
Ilaa hadda ma cadda in safaaraddu ay faaruq ahayd markii la weeraray, iyo in shaqaalihii safaaradda laga badbaadiyay goobta.
Booliiska Sweden ayaa oggolaaday isku soo bax Khamiista maanta ah ka dhacaya afaafka hore ee safaaradda Ciraaq ee magaalada Stockholm halkaasi oo lagu wado in lagu gubo kitaabka qur’aanka kariimka ah iyo calanka Ciraaq.
Isha: VOA