Dowladda Australia Oo Cabasho Ka Dhan Ah Haween U Gudbisay Qatar

0
352

Dowladda Australia Oo Cabasho Ka Dhan Ah Haween U Gudbisay Qatar

Dowladda Australia ayaa “cabasho xooggan” u dirtay dhiggeeda Qatar, kadib markii haween dalkaas u dhashay la sheegay in lagu sameeyay baaritaan jirka hoose ah xilli ay raaci rabeen diyaarad u kala gooshaysay Dooxa iyo Sydney.

Baaritaanka ayaa sida la sheegay dhacay kadib markii qof shaqaalo ka ah garoonka caalamiga ah ee Xamad uu arkay ilma markaas dhashay oo lagu tuuray suuli ku yaal garoonka.

Canuga oo aan weli la aqoonsan ayaa waxaa la wareegtay dowladda Qatar oo xanaanadiisa gacanta ku haysa.

Dumarka la baaray si loo ogaado inay canuga dhaleen ayaa waxaa kamid ahaa 13 u dhashay waddanka Australia.

Haweenkaas ayaan loo sheegin sababta loo baaray, waxaana ay raaceen diyaaradda Qatar Airways oo duulimaadka samaysay 2-dii bishan October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here