Dowlada Sudan oo qarka u saaran inay xiriir diblumaasi la sameysato Israel

0
399

Dowlada Sudan oo qarka u saaran inay xiriir diblumaasi la sameysato Israel

Dowlada Sudan ayaa laga yaabaa inay xiriir diblumaasi la sameysato Israel sida ay tilmaamayaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalkaas.

Arrintan ayaa dhici karta marka la dhiso baarlamaan uu yeesho dalka Sudan,iyadoo weli aan la isku raacin sameynta baarlamaanka kadib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Al-Bashir sanadkii aynu ka soo gudubnay 2019.

Dhowaan ayaa sarkaal ka tirsan Maraykanka waxa uu sheegay in kahor doorashada Maraykanka dal Muslim ah uu la sameyn doono xiriir diblumaasi Israel.

Sidoo kale Madaxweynaha Maraykanka ayaa Isniintii ku dhowaaqay in liiska argagaxisada ay ka saarayaan dowlada Sudan haddii ay bixiso magdhow lacageed.

Dowlada Sudan ayaa shaacisay inay lacagtaa magdhowga ah ay marhore u diyaarisay Maraykanka ayna diyaar tahay.

Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ayaa dhowaan la sameystey xiriir diblmaasi wadanka Israel iyadoo arrintaana ay dalal badan oo Carab ah ay ka soo horjeesteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here