Dowlada Shinaha Oo War Ka Soo Saartay Xafiiskii Ay Taiwan Ka Furatay Hargeysa

0
384

Dowlada Shinaha Oo War Ka Soo Saartay Xafiiskii Ay Taiwan Ka Furatay Hargeysa

Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeesatay in Taiwan oo ay u arkaan gobol ka mid ah uu xafiis ka furto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Shiinaha (Zhao Lijian) oo saxaafadda maxaliga ah la hadlay ayaa sheegay in wali Taiwan ay ka mid tahay dhulweynaha China, isla markaana aysan jirin cid ay xiriir la sameyn karaan.

Zhao Lijian wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Somalia, ayna tahay wax aan sharci aheyn in laba gobol ay iskaashi caalami ah yeeshaan.

“Dunida waxaa ka jira hal China, dhulka Taiwan waa gobol ka midd ah dhulweynaha Shiinaha” ayuu si adag u yiri Zhao Lijian.

Masuulkaan wuxuu sidoo kale sheegay in beesha caalamka iyo qaramada midoobe ay kaliya aqoonsan yahiin hal China, taasna ay tahay wax ka hor imaanaya shuruucda u dagan dunida.

Somaliland iyo Taiwan ayaa dhawaan ku heshiiyay iney xiriir diblomaasiyadeed yeeshaan iyadoo la ogyahay in labada dowladood aysan wali helin ictiraaf caalami ah oo ay ka go’een Shiinaha iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina masuulka hadlay wuxuu sheegay in xisbiga dimoqoraadiga ah ee talada Taiwan haya ay ku fashilmi doonaan isku day walba oo ay doonayaan iney ku kala qeybiyaan China.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here