Doorashada Maraykanka oo maalin keliya ka harsan tahay

0
44

Doorashada Maraykanka oo maalin keliya ka harsan tahay

5ta bishaan Nofeembar oo ku beegan Talaadada maalin kaddib waxaa Dalka Maraykanka loo dareeyayaa doorashada Madaxtinimo oo sanadkaan ay ku tartamayaan Kamala Harris oo haatan ah ku xigeenka Joe Biden & Donald Trump oo afartii sano lasoo dhaafay bannaan jog ahaa.

Meelo badan ayaa sanadkaan laga qiimeynayaa Doorashada, labada Xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa loolan adag ka dhaxeeyaa, Shacabka ayaa u codeynaya Madaxweynaha 47aad ee Dalka Maraykanka.

Ammaanka guud ayaa sare loo qaaday iyada oo la hubiyay qalabka loogu talagalay in loo adeegsado codbixinta si aanay u dhicin weerarro dhinaca Internet-ka ah oo aan lagu kala baddelin codadkaas la dhiibtay.

Kamala & Trump waxaa dhinac taagan xubno xilal kala duwan kasoo qabtay Dalka Maraykanka, shaqsiyaad magac ku dhex leh Dalkaas iyo mas’uuliyiin kale oo qaarkood Ganacsatada ah si doorashadu xamaasaddeedu usii adkaato.

Labada Musharrax in ay guul gaaraan waxa ay uga kala dhigan tahay in ay kala adkaanayaan Xisbiyada ugu awoodda Badan ee Dalkaas waa Jamhuuriga & Dimuqraadiga oo kala aragti duwan iyada oo dhinac weliba uu xagal kale wax ka eegayo.

La soco wixii kasoo kordha