Doorashada Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka oo maanta dhacaysa.

0
114
A women cast her ballot as part of the general elections, on March 7, 2018 at a polling station in Freetown. - More than 3.1 million voters are registered for the polls across the small West African nation. (Photo by ISSOUF SANOGO / AFP)

Magaalada Luanda ee Xarunta Dalka Angola waxaa maanta ka dhacaysa Doorashada Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka oo sanadkaan si gaar ah loogu xiray Qaaradda Afrika si ay u hoggaamiyaan ugana faaiideystaan fursaddaan.

Afar musharrax oo dhammaan Dumar ah ayaa isugu soo haray Wareegyadii ugu dambeeyay kuwaas oo kasoo kala jeeda Dalalka Soomaaliya, Senegal, Malawi & Tanzania waxaana ay sameeyeen loolan ay ku raadinayaan codka xubnaha u kala codeynaya.

Musharraxiintaan u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka ayaa mid weliba waxa ay dib ugu laabatay Dalkeeda si ay garab istaag xooggan uga hesho baarlamaankooda oo dhaqaale iyo cod ku dhinac taagan.

Marwo Bashiir Xaaji ayaa 9kii September 2023 waxa ay garab istaag cod iyo dhaqaale ay ka heshay labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay ugu guuleysato xilkaan una noqoto haweeneydii ugu horreysay oo Soomaali ah xilkaan oo kale qabato.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xaanshi uu diray ku sheegay in Marwo Bashiir aanay kamid ahayn musharrixiinta sida ay qudheeda u caddeysay Warbaahinta.

Marwo Bashiir Xaaji ayaa sheegtay in aanay marnaba ka harin oo loolan xooggan oo ay ku raadineyso codka ay u baahan tahay ka dhex raadsaneysay Xildhibaannada u codeynaya shir guddoonkooda balse layaab ay ku noqotay warqaddaas markii ay aragtay sida ay hadalka u dhigay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashiid Warsame oo xubin ka ah Golaha Shacabka ayaa nasiib darro iyo niyad-jebin ku tilmaamay tallaabadaas isaga oo natiijo xumo weliba oo kasoo gaarta Marwo Bashiir dusha ka saaray Guddoomiye Aadan Madoobe.

Haddaba Afarta Musharrax ee u taagan kursigaan maxay kala yihiin?

1-Marwo Cabdi Bashiir oo ah mataleysa Soomaaliya.

2- Adji Diarra Mergane Kanouté oo kasoo jeeda dalka Senegal.

3- Catherine Gotani Hara waxa ay haweeneydaan u dhalatay Dalka Malawi.

4- Tulia Ackson oo kasoo jeeda Jamhuuriyadda Tanzania.

Xubnaha katirsan Baarlamaanka Adduunka oo gaaraya 147 Mudane ayaa dooran doonna Guddoomiyaha sanadkaan oo middood ay noqon doonto 4taan Xildhibaan ee Haweenka ah ee kala metalaya Somalia, Senegal, Malawi & Tanzania.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here