Donald Trump oo ku guuleystay Doorashada Maraykanka & Netanyahu oo noqday qofkii ugu horreeyay ee u hambalyeeyay

0
19

Donald Trump oo ku guuleystay Doorashada Maraykanka & Netanyahu oo noqday qofkii ugu horreeyay ee u hambalyeeyay

Donald Trump oo ahaa Madaxweynihii 45aad ee Dalka Maraykanka ayaa markale ku guuleystay Madaxweynaha 47aad ee Dalkaas, sida muuqata codadkii la tiriyay waxa uu meel cad uga tagay haweeneydii la loolantay ee Kamala Harris, waxaana meesha ka baxay awoodda Maamul ee Xisbiga Dimuqraadiga.

Trump ayaa durba guddoomay fariimo hambalyo ah, Ninkaan mar ku sigtay in laga reebo loolanka Doorashada sabab la xiriirta fadeexooyin lagu soo oogay ayaa bisha janaayo waxa uu xafiiska kala wareegi doonnaa Madaxweyne Joe Biden oo awoodi waayay in uu la baratamo xaalado u gaar ah darteed.

Qofkii ugu horreeyay ee soo dhaweeyay Doorashada Donald Trump waxa uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo mowjado siyaasadeed dhexda ka dabaalanaya, inkasta oo Benjamin Netanyahu isugu mid tahay qofkii guuleysta labada Musharrax balse Kamala Harris waxa uu u arkayay in aanay la jaanqaadi Karin.

“Mudane Donald & Marwo Melania Trump, hambalyo, taariikh weyn oo dib usoo laabasho ah, dib ugu soo noqoshadiina aqalka Cad waxa ay aasaas u tahay Ameerika awood leh oo xulufo la noqota Israa’iil, Benjamin iyo Sara Netanyahu” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahay.

Meelo badan oo kamid ah Dalka Maraykanka waxaa ka socda isu soobaxyo waa weyn oo ay dhigayaan taageerayaasha Donald Trump iyo Xisbigiisa ee Jamhuuriga, halka xarunta loo diyaariyay in ay ku damaashaadaan Taageerayaasha Kamala Harris & Xisbigeeda Dimuqraadiga qalbi jab iyo kala tag uu ka jiro.

Donald Trump ayaa muddo xileedkiisa labaad waxa ay uga dhigan tahay in uu ka guuleystay Haweeneydii labaad, horay waxa uu 2016kii uga adkaaday Hillary Clinton halka 2024 uu garaacay Kamala Harris, inkasta oo sanadkii 2020kii markiisa uu dhulka ku jiiday Joe Biden