Dib miyuu u dhacay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta lagu ballamay in uu qabsoomo?

0
9

Dib miyuu u dhacay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta lagu ballamay in uu qabsoomo?

Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee isla Bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa lagu ballamiyay in 26ka Oktoobar 2024 oo maanta ku beegan kulan kale isugu imaanayaan Madaxda golahaas si ay uga arrinsadaan qodobada horyaalla.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Madaxda Dowladda Dowladda Federaalka, sidoo kale waxaa caasimadda ku sugan Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen & Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.


Waxaa Caasimadda ka maqan Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo isaga baxay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka uu horraantii ilaa bartimihii Bishaan ku yeeshay Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo howlo shaqo u joogay Degmad Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayay Wararku sheegayaan in uu haatan ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland oo kulamadii dambe aanay kasoo qaybgelin Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa weli ka maqan, waxaana Golaha horyaalla qodobo dhowr ah sida Doorashada Dalka.

Haddaba, suuragal ma tahay in uu maanta qabsoomo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka? Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo isaga baxay shirkii u dambeeyay suuragal ma tahay in uu kasoo qaybgalo?

La soco wixii kasoo kordha