Dhulgariir cabbirkiisa lagu sheegay 4.9 oo ku dhuftay Dalka Itoobiya

0
48

Dhulgariir cabbirkiisa lagu sheegay 4.9 oo ku dhuftay Dalka Itoobiya

Wuxuu intaa raaciyay in dhowaan uu dhulgariir ka dhacay gobolka Cafar ee dalkaasi Itoobiya.

Wax khasaaro ah amaba waxyeello gaartay guryaha lama sheegin taasoo ka dhalatay dhulgariirkii xalay.

Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in si ku meel gaar ah loo xiray kaabayaasha gaadiidka ee halka uu dhulgariirku ka dhacay si baaritaan loogu sameeyo.


Waxaa kale oo lagu soo warramayaa in xannibaad ku meel gaar ah lagu sameyn doono isu socodka gaadiidka, balse si degdeg ah loo fasixi doono haddii aysan jirin wax waxyeello ah.

Ma aha markii ugu horreysay ee dhowaan uu dhulgariir ka dhaco qeybo ka mid ah Itoobiya.

Bishii August ee sanadkii hore ayay ahayd markii dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 5.6 uu xilli fiidnimo ah ku dhuftay waqooyiga Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Ma jiro wax dhimasho iyo burbur ah oo xilligaasi la soo sheegay.

Dhulgariirka ayaa ruxay dhowr magaalo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, oo ay ku jirto caasimadda, Mekelle, sida uu ku warramay TV-ga Tigrayga.

Solomon Maesho oo ah sarkaal sare oo ka tirsan mamaulka Tigrayga ayaa sheegay in dhammaan degmooyinka ku dhow xadka Eritrea laga dareemay gariirka.

Magaalada Irafalle ee dalka Erateriya, ayuu ka soo bilowday dhulgariirkaan sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eritrea.

Isha: BBC SOMALI