Deni: “Haddii aanay maanta dhicin Doorasho Dadweyne waxaa adkaan doonta in mar labaad kalsoonida Bulshada lasoo kabo”.

0
204

Deni: “Haddii aanay maanta dhicin Doorasho Dadweyne waxaa adkaan doonta in mar labaad kalsoonida Bulshada lasoo kabo”.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka xog-warramay xaaladda ka taagan Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas, Doorashada Dadweynaha, Eedaha Mucaaradkiisa & arrimo kale ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay doorashada laga sugayo.

Deni ayaa tilmaamay in muddo dheer uu u xusul-duubayay sidii uu deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland uga hirgelin lahaa Doorasho Dadweyne si looga gudbo caqabadaha ka taagan Doorashooyinka Dadban ee waqtiga dheer lagu soo caana-maalay.

Waxa uu sheegay in haddii aanay maanta dhicin Doorasho Dadweyne in ay adkaan doonto in markale Bulshada kalsoonida lasoo kabo isaga oo intaas kusii daray in mar weliba waxa la doonayo uu yahay in diiradda la saaro Doorashadaas.

“Haddii aanay maanta dhicin Doorasho Dadweyne waxa aan aaminsanahay in ay adkaan doonta in mar labaad in kalsoonida Bulshada lasoo kabo, Waajibkeenu waxa uu yahay in aan fulino, karaankeena dhan isugu geyno, lana shaakano cid weliba oo gacan naga siin karta, alle ayaan ka rajeyneynaa in uu hadafkaas weyn uu fulo” Ayuu yiri Siciid Deni.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhan kale meesha ka saaray doodaha mucaaradkiisa ay lasoo bannaanbaxeen ee ah in uu damacsan yahay muddo kororsi uu xafiiska kusii jooga balse ay diidan yihiin.

Deni ayaa hadalkaan ku sheegay Wareysi uu siiyay Hanoolaato oo uu uga xog-warramay xaaladaha ka taagan Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland gaar ahaan muranka ka dhashay Doorashada & mucaaradkiisa oo ku doodaya muddo kororsi uu damacsan yahay.