DEG DEG : Xisbiga Waddani Oo Sida Fiinta uga Qaybliyey Dib U Dhaca Doorashoyinka Ee Shalay Kominshanku Ku Dhawaqeen+Hanjabaad Diray+MUUQAAL
Hargeysa (Dalmar-News):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa ay si adag uga jawaabeen dib u dhaca doorashooyinka wakiilada iyo deeganka ee ay shalay ku dhawaqeen Kominshanka doorashooyinka Somaliland .
Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde oo arintani ka Hadley waxaa uu sheegay in dib u dhaca doorashooyinkaas ay masuulyada ay leedahay xukuumada iyo madaxweyne Muuse Biixi isla markaana aaney aheyn wax la aqbali karo .
Sidoo kale Xil Jirde ayaa cadeeyey in xisbiga Waddani aanu marnaba aqbali doonin in doorasho danbe ay u qabtaan kominshan doorasho oo qaabkan hada uu yahay loo soo xulaayo
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan