DEG DEG : Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia oo kulan aan caadi aheyn ku ansixinaya Miisaaniyadda 2019

0
544

DEG DEG : Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia oo kulan aan caadi aheyn ku ansixinaya Miisaaniyadda 2019

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulan aan caadi aheyn ku ansixinaya meel marinta Miisaaniyadda 2019, kaddib markii shalay Xildhibaanada ka yeesheen Miisaaniyadda dood.

Inta badan Xildhibaannada Golaha Shacabka oo shalay ka dooday Miisaaniyaddaas ayaa intooda badan garwaaqsanaa in haddii aan lagu ansixin waqtigeeda ay halisteeda leedahay, waxaana ay soo jeediyeen in la ansixiyo intii dalka miisaaniyadiisa uu hakad geli lahaa.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayay u badan tahay inay meel mariyaan miisaaniyadda, isla markaana marka ay ansixiyaan uu u gudbo Aqalka Sare si ay iyagana u meel mariyaan.

Waxaa la filayaa marka Golaha Shacabka meel mariyo miisaaniyadda sanadka 2019, waxaa uu geli doonaa fasax labo bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here