DEG DEG: Qarax lagula eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan Sh/Dhexe duleedka Balcad

0
467

DEG DEG: Qarax lagula eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan Sh/Dhexe duleedka Balcad

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax lagula eegtay deegaanka Gololey oo ka tirsan degmada Balcad kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka Sh/dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ay la qaraxday labo baabuur, iyadoo uu jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad ku sugan degmada Balcad ayaa Jowhar.com u sheegay in gaadiidka miinada la qaraxday uu la socday guddoomiye ku xigeenka arrimaha maaliyada gobolka Sh/dhexe Shitaawe iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here