DEG DEG : Dablay Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ku Yaala Magaalada Laascanood

0
898

DEG DEG : Dablay Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ku Yaala Magaalada Laascanood

Dablay Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ku Yaala Magaalada Laascanood

Dabley hubaysan ayaa gelinkii dambe ee xalay weerar culus ku qaaday saldhiga wadnaha ee koonfurta magaalada Laascaanood,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Shacabka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa soo sheegaya in ay xalay gelinkii dambe hurdada ka toosisay rasaas xooggan oo ku hoobanaysa saldhiga koonfureed ee magaalada.

Dableyda weerarka qaadday oo aan la aqoonsan ayaa sidoo kale bumbooyin ku tuuray saldhiga ka hor inta aysan rasaasta bilaabin,sida ay BurcoOnline.com u sheegeen dad ku sugnaa xaafadaha deriska la’ ah saldhigaasi.

Goobjoogaashu waxay sheegeen in weerarka oo bilowday abbaare 3:15am uu socday mudda saacad ah,islamarkaana rasaastu ay ka dhacaysay hal dhimac,balse waxay intaasi raaciyeen in aysan weli wax faahfaahin ah ka hayn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Somaliland weli wax war ah kama soo saarin khasaaraha ka dhashay weerarka,iyadoo ay haatan xilli hore oo aroornima tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here