DEG DEG : Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka qaaday 8 xildhibaan

0
421

DEG DEG : Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka qaaday 8 xildhibaan

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo goor dhow kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa xasaanada ka qaaday illaa sideed mudane oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka ee maamulkaasi, kadib eedeymo culus oo loo jeediyey.

Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa ka qeyb-galay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, kaas oo golaha wakiilada ka hor aqriyey eedeymaha ka dhanka ah xildhibaanada xasaanada lagala noqday, waxaana ka mid ah eedeymaha loo jeediyey, falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka iyo anshaxa baarlamaanka maamulkaasi.

Intaasi kadib ayaa la qaaday cod gacan taag ah, waxaana u codeysay in kalsoonida lagala noqdo xildhibaanadaasi illaa 35 mudane, saddex xildhibaan ayaa diiday, halka mid kalena uu ka aamusay, sida uu ku dhowaaaqay natiijada guddoonka golaha wakiilada.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday oo si weyn uga horjeeday guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa kala ah: Maxamuud Axmed Caalim, Muuse Siciid Xassan (Jajabsay), Suleebaan Faraax Ciise, Cabdiqani Abshir Surato, Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Cabdiraxmaan Maxamud Maxamed (Dhoorre),Cabdicasiis Salaad Gacmay (Baduugaaye)  iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Arrintan ayaa soo socotay todobaadyadii u dambeysay, waxaana ka dhashay buuq iyo fowdo hareysay kulan ay lahaayeen xildhibaanada Puntland oo lagu kala tegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here