Dalalka Carabta oo kahor yimid go’aankii Trump ee ka dhanka ahaa Falastiin
Dowlado badan oo ah kuwa Carabta ayaa si toos ah uga hor yimid hadal dhowaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ahaa in Shacabka Falastiin ee laga raro Magaalada Gaza kaddib markii ay iska caabiyeen Yuhuudda iyo xulufadii garab taagnayd.
Donald Trump ayaa si aan ka gambasho lahayn u sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii Falastiin looga rari lahaa Magaalada Gaza iyaga oo dejinaya Dalalka Carbeed ee Masar iyo Urdun sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Maraykanka.
Qorshahaan oo kale ayaa horay u socon waayay si ay Yuhuuddu u hesho dhul horleh oo Falastiin ka xoogto iyada oo garb ka heleysa Maraykanka & Dalal kale oo reer Galbeedka ah, Trump ayaa xusay in qorshahaas uu yahay mid muhiim ah.