Dal 10 sano ka hor laga saaray Ururka Jaamacadda Carabta oo dib loo soo celiyey

0
182

Dal 10 sano ka hor laga saaray Ururka Jaamacadda Carabta oo dib loo soo celiyey

Suuriya waxay dib ugu soo noqotay Ururka saamaynta badan ee Jaamacadda Carabta, in ka badan toban sano ka dib markii lagaga tuuray ururkan bannaanbaxyadii dimoqraadiyadda ahaa ee caburinaysay, taasoo horseeday dagaalka sokeeye ee ilaa hadda socda.

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, ayaa sheegay in tallaabadan ay bilow u tahay hannaan lagu xallinayo xasaradaha Suuriya, kaasoo noqon doona mid tartiib tartiib ah.

Dib-usoo-celinta Suuriya ayaa lagu ansixiyay shirkii xubnaha Ururka ee Masar ka dhacay.

Waxa ay ku soo beegmaysaa ka hor shir madaxeedka ka dhacaya Sucuudiga dabayaaqada bishan oo laga yaabo in madaxweyne Bashaar al-Assad uu hadda ka qayb galo.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suuriya ayaa lagu sheegay in ay si weyn u heshay go’aanka ururka Jaamacadda Carabta, waxayna ku baaqday in la kordhiyo iskaashiga iyo wadashqeynta Carabta.

Wasiirada arrimaha dibadda ee 13 ka mid ah 22-ka waddan ee xubnaha ka ah kooxdan ayaa goob joog ka ahaa markii la gaarayey go’aanka dib loogu soo celiyay Suuriya.

Waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la soo afjaro dagaalka sokeeye ee Suuriya iyo dhibaatooyinka ka dhashay qaxootiga iyo mukhaadaraadka.

Guddi ka kooban Masar, Sacuudi Carabiya, Lubnaan, Urdun iyo Ciraaq ayaa la dhisi doonaa si ay Suuriya uga caawiyaan sidii ay u gaari lahayd yoolalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here