Dab Xoogan Oo Khasaare Dhaliyay Oo Ka Kacay Goob Ganacsi Oo Ku Taala Walawayn

0
376

Dab dhaliyay Khasaare baahsan ayaa ka kacay Degmada Wallen-weyn ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro Khasaare hantiyadeed oo aad u farabadan.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in dabku uu ka kacay Kaalin shidaal oo ku taalla Degmada Wallen-weyn ee Gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo dabkaasi uu qaatay muddo saacado ah, Kalinta shidaal ee dabku qabsaday ayaa gabi ahaanba gubatay, waxaana dabku uu ku faafay goobo ganacsi oo hor leh.

Dadka degaanka iyo maamulka Degmada ayaa iska kaashaday sidii ay dabkaasi damin lahaayeen, iyadoo ay xusid mudan tahay in degmadui aysan lahayen Dab-damis, waxaana ay ku guulaysteen maamulka iyo Bulshada degmada in ay Damiyaan Dabka oo khasaare lixaad leh oo hantiyadeed gaystay.

Waxaa la sheegay in dabka uu qaatay damintiisu muddo afar saacadood ah, iyadoo inta uu socday uu hadba kusii faafayay goobo kale ganacsi, waxaana lasoo sheegayaa in aysan jirin dad ku waxyeeloobay marka laga tago in khasaatraha Hantiyadeed.

Inta badan degmooyinka iyo degaanada ka baxsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ka kaca dab, mana laha degaanadaasi gaadiidka Dab damiska ee sida fudud kaga jawaaba musiibooyinka noocaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here