Dab Khasaara Maaliyadeed geystay oo ka kacay Suuqa Degmada Jowhar

0
54

Dab Khasaara Maaliyadeed geystay oo ka kacay Suuqa Degmada Jowhar

Dab geystay inta la xaqiijiyay Khasaara maaliyadeed ayaa ka kacay Suuqa Degmada Jowhar Xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxaa socda dedaal lagu daminayo Dabkaas si uusan ugu gudbin goobaha kale ee ku dhow Dhismaha gubanaya.

Si dhab ah looma ogaan waxa uu ka dhashay Dabkaan, keliya waxaa hadda socda dedaalka lagu daminayo si looga hortago khasaare ka badan kan uu hadda sababay sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo Jowhar ku sugan.

Dad u badan Ganacsatada Suuqa iyo kuwa degen agagaarka Suuqaas ayaa sameeyay isku day xooggan oo ay ku daminayaan Dabkaan, waxa ay adeegsanayaan Biyo iyo Carro si ay baqtiijiyaan dabkaan oo si xowli ah u gubaya dhismaha qaar.

La soco wixii kasoo kordha