DAAWO : Somaliland Oo Si Kulul Uga Hadashey Cuno Qabateynta Hubka Somaliya Laga Qaadayo Kuna Baaqdey In Aan Laga Qaadin
Hargeysa (Dalmar-News):- Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ay si kulul uga hadashey qaraar la doonaayo in Dawlada Somaliya lagaga qaado cuno qabateynta hubka ee Saaran
Cabdilaahi Maxamed Ducaale ergeyga Ururka Midowga Africa u qaabilsan Somaliland ayaa sheegay in arintaasi ay tahay dhib iyo mushilad gobalka ku soo korodhay Somaliya na aaney maanta hub u baahneen oo inta dhex taala ay Africa qeyb ka mid ah bur burin karto
Sidoo Kale Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa Somaliland ugu baaqay in ay arintaasi ka dhiidhido si cadna uga hor timaado waxaan uu yidhi
“ Maanta Waxaa laga hadlayaa oo weyn in Qaramada Midoobey la geeyey qaraar lagu leeyahay cuno qabateyntii hubka ha laga qaado Somaliya , arintaasi waa wax lala yaabo Somaliya iyo Somaliland hub maanta lagu soo kordhiyo uma baahna , waayo hubka yaala ayaa Africa qeyb dhan oo ka mid ah bur burin kara , arintaas looma baahna Somaliland na waa In ay arintaas door weyn oo siyaasadeed ay ka sameysaa , Shacabku waa in uu ka mudaharadaa arintaas , Dawladaha arintaas dabada ka wada waa dawlado aan u tudheen magaca Soomali ba , arint”aasi waa dhib hor leh oo ku soo korodhay Gobalka ,xaaaduna faraha ayey ka baxeysa “ Ayuu yidhi
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=EDIKoWpcYMQ