DAAWO : Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qado Sharaf U Sameeyey Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland+SAWIRO
Hargeysa (Dalmar-News):- -Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qado sharaf u sameeyey xildhibaanada aqalka golaha wakiiladda Somaliland.
Munaasibadda hadhimo-sharafeedda ah oo ka qabsoontay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayey ujeeddadeedu ahayd sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqaynta iyo isku xidhnaanta goleyaasha wakiillada iyo xukuumadda, waxana kasoo xaadiray ku dhawaad 80 (Siddeetan) mudane oo ka tirsan aqalka golaha wakiillada oo ay hormood u yihiin shirguddoonka golahaasi.
Munaasibadda hadhimada uu madaxweynuhu ku maamuusay xubnaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kusoo dhammaatay jawi deggen iyo is faham, waxana ay labada dhinac muujiyeen inay sii laban laabaan wada-shaqayntooda.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan