DAAWO : Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay Iyo Urur-Goboleedka IGAD+SAWIRO

0
621

DAAWO : Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay Iyo Urur-Goboleedka IGAD+SAWIRO

Hargeisa (Dalmar-News):-Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay wefdi ka kala socotay qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, ayaa waxa kala hoggaaminayey Ku-xigeenka wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Rai Zenenga iyo ergayga khaaska ah ee urur-goboleedka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Guyo, waxana ay labada dhinac kulankaas diiradda ku saareen arrimo door ah oo dhinacyada nabadgelyada iyo is-kaashiga ah.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga ah ee ka kala socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, waxa ay sidoo kale si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa arrimaha bani’aadam-nimada, amniga mandaqada geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxana ay xubnaha weftigu madaxweynaha uga mahad-celiyeen sida uu ugu heellan yahay in xukuumadda uu hoggaamiyaa kor u qaaddo xidhiidhka ay leedahay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo ururrada kale ee mandaqadda.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland, ahna sii hayaha wasiirka waxbarashada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), wasiirka cusub ee maaliyadda, ahna sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo ergayga Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan  midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here