Daawo Cusub oo Unugyada Jirka Cusboonaysiineysa Cimriga Aadanahana Kordhineysa 150 Sano!
Daawo cusub oo dhanka la dagaallanka duqnimada ah ayaa suuraggal ka dhigaysa-sida la sheegay- in cimriga aadanaha ay kordhiso 150 sano, waa sida jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxdaa ay qortay.
Professor David Sinclair oo ka tirsan jaamacadda Harvard, oo kaashanaya cilmi-baarayaal kale oo ka tirsan jaamacadda New South Wales, ayaa waxey horumarin ku sameeyeen teknoolojiyad cusub oo unugyada dib u cosbooneysiinaysa, dadka uu qalalku ku dhacana daaweyneysa.
Cilmi-baarayaasha waxaa u suuragashay iney kordhiyaan cimriga jiirka macmalka 10%, waxey siiyeen kiinin laga soo dhanbalay vitamine B, halka sidaas oo kale dawadan lagu sheegay iney u roon tahay bidaarta da’da ku soo baxda.
Khubaradan ayaa fila in dawadani ay diyaar noqoneyso 5 sanno ee soo aaddan. Iyadoo lacag aad u raqiisa ah oo u dhiganta in koob shaah ah lagu cabbo lagu heli doono.
Maandeeq FM