Daacishta Somaliya oo wajaheysa gulufkii ugu ballaadhnaa

0
27

Daacishta Somaliya oo wajaheysa gulufkii ugu ballaadhnaa

Wararka ka imanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in habeenimadii la soo dhaafay ay kordheen weerarada xagga cirka ee lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada ay maleeshiyada Daacish ku leeyihiin Gobolka Bari.

Diyaarado dagaal oo aan la sheegin dalalka ama dalka laga leeyahay ayaa garaacaya buuraha aagga bari, gaar ahaan deegaanada hoostaga Degmooyinka Iskushuban iyo Balidhidin.

Inta badan duqaymaha ayaa ka dhacay deegaanada Cameyra iyo Il ee Buuraleyda Calmiskaad, oo ah goobo ay dhowr sano isku uruursanayeen maleeshiyada Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in xalay oo ugu dambeysay in jug weyn laga maqlay aagga Toga Dhabancaddo, halkaas oo shalay ay Ciidanka Puntland dagaal culus kula galeen maleeshiyadaasi.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ayaa sheegay in duqaymuhu ay yihiin kuwo ay saaxiibada caalamiga ah kaga taageerayaan hawlgalka militari ee ay ku wiiqayaan Daacish.

Wasiirku ma sheegin waxa ay yihiin saaxiibada caalamiga ah ee ka caawinaya hawlgalka hawada, waxaase loo maleynaya in uu ula jeedo dalka Mareykanka. Mareykanka waa dalka ugu badan ee Somaliya ka fuliya duqaymaha ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish.

Xoogaga Daacish ayaa sidoo kale weerar ballaaran oo dhinaca dhulka ah kala kulmaya Ciidanka Puntland, ka dib markii ay 31-kii bishii December bilaabeen hawlgalka la sheegay in cagta lagu marinayo dagaal-yahananadaasi.

Ciidanka Puntland ayaa fulinaya qorsheyaasha dagaal ee ay saraakiishoodu u dejiyeen, ee ah in kooxaha argagixisada ay ugu taggaan fariisimaha iyo godadka ay ku sugan yihiin.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in hawlgalka uu haatan ku socdo, sidii loogu talagalay, isla-markaana uu sii socon doono.

Wasiirka ayaa xusay in ciidamadu ay yihiin kuwo aad u tababaran, isla-markaana u diyaarsan hawlgalka ceynkani oo kale ah.

“Hawlgalkan wuxuu socon doonnaa, illaa iyo ninka ugu dambeeya ee argagixisada la soo qabto ama la dilo amaba uu isa soo dhiibo.” Ayuu yiri Wasiirku

Ciidanka Hilaac oo u tababaran la dagaalanka argagixisada ayaa hoggaaminaya hawlgalka gaarka ah ee ka dhanka ah Daacishta Somaliya.

General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo), Afhayeenka Ciidanka Puntland ayaa Isniintii bogaadiyay hawlgalka ballaaran ee ay ciidamadu ka wadaan Buuraleyda Calmiskaad.