Daacish oo digniin adag u dirtay Al Shabaab

0
783

Daacish oo digniin adag u dirtay Al Shabaab

Wargeyska Todobaadlaha ah ee ku hadla afka Daacishta ka dagaalanta Syria oo lagu magacaabo Al-Naba ayaa waxaa lagu soo daabacay in hogaamiyayaasha sar sare ee Daacish ay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya kaga digayaan in wax is hor istaag ah aysan ku sameyn howlagalada ay Soomaaliya ka wadaan Daacish.

Afhayaeen u hadley Daacish oo ay soo xigteen Wargeyskaasi ayaa waxa uu sheegay in ay fahansan yihiiin in Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya aysan ku faraxsaneyn dhaq dhaqaaqyada ay Daacish ka wadaan Soomaaliya balse ay qaadi doonaan tilaabo waliba oo ay isaga difaacayaan dagaal ay ku soo qaadaan.

Waxa kale oo uu sheegay in Shabaab ay weeraro ay ku qaarijiyeen Saraakiil sar sare oo Sooomaaliya wakiil ugu ahaa Hogaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdaadi ay ku soo qaadeen balse sida uu sheegay iminka la joogo xiligii ay Daacish ka aargudsan laheyd.

Wax ay u muuqataa in Urur diimeedyada dagaalama ee geeska Afrika ay iyagu is qoomayaan taasi ayaana Dowladda dhexe ee Soomaalia u ah fursad balaaran oo ay ku kala dhantaali karto mar hadii iyagu dhexdooda uu dagaallo ka bilaawday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here