Cudurka Jadeecada oo fara ba’an ku haya caalamka

0
793

Cudurka Jadeecada oo fara ba’an ku haya caalamka

Kiisaska cudurka Jadeecada ayaa sare u kacay saddaxdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2019.

Kiisaska cudurka Jadeecada ayaa sare u kacay saddaxdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2019.

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO marka la barbar-dhigo 2018 ayaa waxaa sanadkan labalaabmay kiisaska cudurka Jadeecada.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in xogta la hayo ay muujinayso “in sare u kac uu jiro “,islamarkana guud ahaan qaaradaha kala duwan ee caalamka ay ay dilaacday jadeecada.

Qaarada Afrika ayay tirada ugu badan ay sare u kacday kiisaska jadeecda taasi oo dhan 700%.

Hay’adda ayaa sheegtay in tirada imika la hayo ay intaasi ka badan karto maadaama kiisaska la soo sheegay ay yihiin oo kali ah 1 ka mid 10 kiis guud ahaan caalamka.

Cudurka Jadeecada ayaa ah cudur mararka qaar sababi kara dhibaato caafimaad sida caabuq ku dhaca sambabada iyo maskaxda.

Dalalka Ukraine, Madagascar iyo Hindiya ayaa ah dalalka ay faraha ba’an ku hayso Jadeecada,waxaana laga soo sheegayaa tobonnaan kun oo kiis.

Bishii September, ugu yaraan 800 oo qof ayaa cudurka Jadeecada ugu dhimatay dalka Madagascar oo kali ah.

Waxa sidoo kale cudurkani uu ku dhuftay dalalka Brazil, Pakistan iyo Yemen, “waxaana ka dhashay dhimasho badan kuwaasi oo intooda badan ay caruur ahaayeen.

Dalalka kale ee Jadeecada laga soo sheegay waxaa ka mid ah Mareykanka iyo dalka Thailand.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in cudurkan “guud ahaan laga hortagi karo ” waa haddii la helo talaalka saxda ah,balse guud ahaan caalamka wareegii hore lagu talaalay “85%, “taasi oo ka yar tiradii loo baahnaa oo ah 95% si cudurka looga hortago”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here