Ciyaaryahan ka tirsan Barcelona oo xukun ku muteystay ka dib markuu Isbitaal xabad ku dhex riday

0
415

Ciyaaryahan ka tirsan Barcelona oo xukun ku muteystay ka dib markuu Isbitaal xabad ku dhex riday

Ciyaartoyga qadka dhexe ugu ciyaara kooxda Barcelona ee Arda Turan ayaa lagu xukumay ku dhawaad seddex sano oo xabsi ah ka dib markii isbitaal dhexdiisa uu xabad ka riday ka dib markii dagaal dhexmaray isga iyo qof heesaa ah.
Turan oo hadda amaah ku jooga kooxda Istanbul Basaksehir, ayaa sannadkii tagay la dagaallamay heesaaga caanka ah ee Berkay Sahin, kaas oo uu feer sanka kaga jabiyay.
Ciyaartoyga oo 32 sano jir ah ayaa markaa ka dib tagay isbitaalka, wuxuuna ku riday xabad.
Waxaa ayaa ku heshay dembi ah inuu cisbitaalka dhexdiisa ka abuuray argagax, haysashada qori sharci daro ah iyo inuu si ulakac ah qof u dhaawacay.
Xukunka lagu riday wuxuu yahay laba sano iyo sideed bilood oo xabsi ah, laakiin kuma sii jiri doono xabsiga haddii shanta sano ee soo socota uusan dambi galin.
Laacibkan u ciyaara kooxda stanbul Basaksehir, wuxuu ka tirsan yahay Barcelona oo si amaah ah looga iibsaday.
Kooxda uu amaahda ku joogo ee Istanbul Basaksehir ayaa dhacdadaas awogeed ciyaartoygan ku ganaaxday lacag dhan 2.5 milyan oo lira (£350,000).
Wararku waxay sheegayaan in fannaanka, Berkay Sahin, uu la socday xaaskiisa Ozlem Ada Sahin, waxayna ku sugnaayeen baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Istambul, bishii October, xilligaas oo dagaalka uu bilowday.
Ms Sahin ayaa wargayska Haberturk u sheegtay in Turan uu weerar ku soo qaaday ninkeeda oo aad looga yaqaano Turkiga. Fannaanka ayaa markii dambe isbitaal loo qaaday si qaliin loogu sameeyo sankiisa oo jabay.
Dhacdadu halkaas kuma aysan dhammaan. Turan wuxuu ka soo muuqday isbitaalka isaga oo sita qori isla markaana cafis dalbanaya.
wuxuu bartiisa tweeter-ka ku qoray inuu khalad galay, kooxdiisa iyo qoyskiisana uu ka dalbanayo cafis.
“Dhacdooyinkan waxaan ka bartay casharro” ayuu qoray. “Hadafkeyga ugu weyn waa inaan qoyskeyga, xaaskayga, kooxdeyda iyo saaxibadeyda ay igu faanaan”, ayuu yiri.
Waa kuma Arda Turan?
Ciyaartoygan khadka dhexe ka dheela wuxuu u dhashay Turkiga. Xirfadiisa kubadda wuxuu ka bilaabay kooxda Galatasaray isagoo marka da’yar. Waxaa loo magacaabay kabtan markuu 21 sano jirka ahaa.
Wuxuu u dhaqaaqay kooxda ka dhisan Spain ee Atletico Madrid sannadkii 2011-kii, ka dib waxuu ku biiray kooxda Barcelona oo sannadkii 2018-kii amaah ahaan ku siisay kooxda Istanbul ee Basaksehir.
Turan ayaa dhaliyay 17 gool 100-ka kulan ee uu u saftay dalkiisa, taas oo ka dhigtay inuu noqdo ciyaaryahanka afaraad ee Turkiga u dhashay oo kulamada ugu badan u ciyaaray xulka Qarankiisa.
Sannadkii 2017-kii ayuu ku dhwaaqay inuu ka fadhiisan doono ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii sida la sheegay uu si xun ula dhaqmay suxufi saarnaa diyaaradda xulkiisa.
Sannadkii hore, Turan waxaa laga ganaaxay 16 kulan in uusan ciyaarin ka dib markii uu labadiisa gacmood ku riixay garsooraha ciyaarta, waxaana durbadiiba loo taagay kaarka casaanka ah iyo ka dibna waxaa la saaray ganaaxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here