Cilmi baaris lagu ogaaday in dadka qayila ee Isticmaala shaaha kulul iyo caanaha in ay u nugul yihiin cudurka Cancer-ka

0
817

Cilmi baaris lagu ogaaday in dadka qayila ee Isticmaala shaaha kulul iyo caanaha in ay u nugul yihiin cudurka Cancer-ka

Machada qaran ee Cudurka Kansar ee dalka Kenya ayaa warbixin uu soo saaray waxaa lagu sheegay in dadka ku qayila shaaha Kulul iyo caanaha zaa’idka ee tirada badan ay keento cudurka Cancer-ka.

Dadka qayila ee ku nool kenya ayaa badsada qaarkooda dabeecad ay u tahay in ay qaataan waxyaabaha Vitaminada ay ku jiraan ama iyo shaaha kulul ee rinjiga ah.

Degaanada ugu daran ee dadka qaba cudurka Cancer-ka ayaa cilmi baaristan ku sheegtay gobolka waqooyi bari oo soomaalida degto iyo gobolka Rift Valley.

Cudurkaan oo dhibato ku haya muwaadiniinta kenya ayaa waxaa la sheegay in bukaanada qaba ee u geeriyooda uu ka haleelo Naasaha Caloosha iyo qeybaha kale ee kaadi mareenka Raga.

Caanaha oo maalinkii in ka baxsan xadka loogu tala galay laga cabo ayaa warbixinta machadka Cancer-ka kenya uu soo saaray waxaa lagu sheegay in ay qaeyb ka tahay.

Kenya oo laga keeno qaadka ugu badan ee la keeno dalka ayaa sanadihii la soo dhaafay waxay warbixino caafimaad oo qatar ah ka soo saaraysay dadka isticmaala qaadka iyo maandooriyaha kale ee ku nool dalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here