Ciidanka Israaiil oo tan & 7dii Oktoobar 2023 Dilay in ka badan 10,400 oo Carruur ah

0
114

Ciidanka Israaiil oo tan & 7dii Oktoobar 2023 Dilay in ka badan 10,400 oo Carruur ah

Ciidamada Israaiil ayaa sii kordhiyay weerarrada ka dhanka ah goobaha Dadka rayidka ah ay degen yihiin kaddib markii uu ku cuslaaday dagaallada iska caabbin ah oo ay kala hortageen dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee diidan gumaysiga.

Qoraal lagu daabacay Teleefishinka Aljazeera ayaa lagu sheegay in ka badan 10,400 oo Carruur ah in lagu dilay duqaymaha & dagaalka tooska ah ee ciidamada Israaiil ay ku hayaan dhinaca Magaalada Gaza oo dagaalka xooggiisu ka socda.

Carruurta ugu badan waxaa lagu dilay goobaha Caafimaadka ee Ciidamada Israaiil ay beegsatay iyo xeryaha ay degen yihiin Dadka barakacay oo si gaar ah ay u maamulaan Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay.

Waxaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa dadka ku dhimanaya duqaymaha ciidamada Israaiil ka gaysanayaan Dhulka Falastiin, wadarta guud waxaa lagu sheegay in ay kor u dhaafayaan in ka badan 24,000 oo ruux laga soo billaabo 7dii Oktoobar 2023.

In ka badan 8,000 oo ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa la waayay waxaana loo badinayaa in ay ku dhinteen duqaymaha oo jirkooda uu go’go’ay halka qaar kale lagu tuhmayo in ay gacanta ku dhigeen ciidanka Israaiil inkasta oo aan xog siman laga hayn.