Ciidanka Israaiil oo duqayn ku dilay Ugu yaraan 70 qof oo Shacab ah oo ku sugnaa Xerada Maghazi.

0
92

Ciidanka Israaiil oo duqayn ku dilay Ugu yaraan 70 qof oo Shacab ah oo ku sugnaa Xerada Maghazi.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay duqayn Ciidanka Israaiil ay ku beegsatay Xerada Qaxootiga ee Maghazi waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaas ku dhintay in ka badan 70 ruux oo rayid Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Xeradaas.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay gaarayaan tobaneeyo loona qaaday Isbitaallada kooban ee adeegyada Caafimaad laga heli karo si looga daweeyo waxyeellada kasoo gaartay duqayntaas.

Ciidanka Yuhuudda ayaa sii kordhiyay beegsiga goobaha ay u badan yihiin Dadka rayidka ah ee Magaalada Gaza waxaana meelaha ay bartilmaameedsadeen kamid ah: Goobaha Caafimaadka, Xeryaha Qaxootiga, Waxbarashada & kuwo kale.

Xasuuqaan ay gaysteen ciidanka Yuhuudda waxa ay ku beegsadeen Dad u badan Haween iyo Carruur oo xerada Maghazi u arkayay in ay ugu gabbaadsan karaan duqayntaas arxan-darrada ah ee askarta Israaiil ay ka gaysanayaan Koofurta & Waqooyiga Gaza.

Ciidamada Yuhuudda ayaa marka ay ku fashilmaan dagaalka tooska ah ee ay ku wajahaan Xamaas waxa ay duqayn aan loo meel-dayin ku garaacdaa goobaha intooda badan ay gabbaadsanayaan Dadka rayidka ah ee guryahooda la burburiyay.

La soco wixii kasoo kordha.