Ciidanka Dowladda oo ku dheelmaday xaafada Dabdamiska ee Muqdisho

0
76

Ciidanka Dowladda oo ku dheelmaday xaafada Dabdamiska ee Muqdisho

Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliiska iyo nabad sugidda ayaa saakay aroortii hore howlgal bur burin ah ku qaaday xaafada Dabdamiska ee magaalada Mudisho, halkaas oo horey dadka degan ku amartay in ay ka baxaan.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada ayaa saakay ku dheelmaday xaafada Dabdamiska oo marar badan dadkii deganaa iska diideen ammar kasoo baxay dowladda, waxaana ciidanka qoysaskii degnaa xaafadaasi ku amreen in wax ka yar 20- daqiiqo alaabahooda uga baxsadaan guryaha.

Ciidamada ayaana xiray waddooyinka laga soo galo xaafada Dabdamiska, waxaana xaafadaasi ciidanka galiyeen cagaf cagaf lagu bur birinayo dhismayaasha ku yaallay xaafadaasi oo isugu jira jiingado iyo kuwa dhagxaan ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya lacag iyo dhulal siisay qaar kamid ah dadkii deganaa xaafada Dabdamiska , taa oo sahashay in saakay dowladda weerar gaadmo ah ku qaado xaafada Dabdamiska kuna bur buriso guryihii laga dhistay.

Ciidamo katirsan Nabad sugidda oo ku sugan aaga howlgalka ka socda ayaa u diidaya warbaahinta in halkaasi tagaan kana duubtaan muuqaalo, waxaa sidoo kale ciidamada diidayaan moobeelo xitaa muuqaalo halkaasi looga duubo.