Ciidan ka amar-qaata Madaxweynaha Jubbaland oo la wareegay amniga Kismaayo
Ciidan si gaar ah kaga amar-qaata Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta amniga Magaalada Kismaayo.
Ciidamadan ayaa waxaa maanta magaalada lagu arkay iyagoo wata gaadiid fara-badan oo kuwa dagaalka ah, waxaana lagu arkayaa qaybaha kala duwan ee magaalada.
Wariye-yaasha Magaalada Kismaayo ayaa waxay soo sheegayan in ciidamadan ay kaga duwan yihiin kuwii horey gacanta ugu haayay amniga magaalada, iyagoo si gaar ahi kaga amar-qaata Madaxweynaha Jubbaland.
Wariye-yaasha ayaa ku soo waramaya in ciidamadan si aad ahi loogu arkaayo inta badan xaafadaha Magaalada Kismaayo, iyadoona ay dadku hadalhayaan.
Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli 15-ka bisha August lagu wado in doorasho ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.