Ciidamo Maleeshiyaad Buhoodle Oo Maanta Ku Biiray Somaliland
Wararka aan ka heleyno Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyo beeleed oo ku sugnaa halkaas ay Maanta ku biireen Ciidamada Somaliland ee ku sugan Magaaladaas.
In ka badan 100 Askari oo ahaa Malleeshiyo Beeleed deganaa Buuhoodle ayaa ku biiray Ciidamada Millateriga Somaliland, kuwaasi oo watay gaadiidka Gaashaaman ee dagaalka.
Munaasabad soo dhaweyn ah ayaa waxaa Askarta Maleeshiyada aheyd loogu soo sameeyay Gudaha Buuhoodle, isla markaana waxaa ka soo qeyb galay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Somaliland iyo xubno kale.
Ciidamadan Maanta ku biiray Somaliland ee ku sugnaa Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa ku soo beegmaya xilli Maamulka Puntland dhawaan Golle deegaan u samaysay Magaaladaas.