Ciidamo Kumaandoos lagu soo tababaray dalka Turkiga oo laga soo dejiyay Muqdisho

0
634

Ciidamo Kumaandoos lagu soo tababaray dalka Turkiga oo laga soo dejiyay Muqdisho

Qeybtii labaad Ciidamo Kumaandoos ah oo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo diyaarad kuwa Milateriga ah ay ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiirka Gaashaandhigga, Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Ciidamada Dhulka iyo Saraarkiil kale ayaa ku soo dhoweeyay Ciidamadan garoonka diyaaradaha, iyagoo sallaan sharaf siiyay Saraakiisha ciidamada.

Ciidamadan Kumaandooska oo ah dhalinyaro ayaa muddo waxaa uu tababar uga socday dalka Turkiga, waxaana la sheegay in qeybtan soo gaartay Muqdisho ay gaarayaan illaa 330 askari.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidanka, isagoo uga mahad celiyay walaalaha Turkiga taageeradooda ku aadan tababarka, qalabeynta iyo dhismaha Ciidanka xoogga dalka.

Waa qeybtii labaad oo Ciidamo Kumaandoos ah oo dowladda Turkiga ay u tababarto dowladda Soomaaliya, iyadoo bilo ka hor Ciidamo Kumaandoos ah lagu soo tababaray dalka Turkiga ay soo gaareen Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here