Ciidamada laga dejiyay Dhuusamareeb oo la wareegay Xarumo muhiim ah iyo RW Kheyre oo ku sii jeeda

0
422

Ciidamada laga dejiyay Dhuusamareeb oo la wareegay Xarumo muhiim ah iyo RW Kheyre oo ku sii jeeda

Dowladda Somaliya ayaa maanta ciidan ay ka qaaday Magaalada Muqdisho waxay diyaarado ku geysay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Ciidankan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Booliska Dowladda Somaliya ayaa waxaa loogu talagalay inay ka qayb qaataan suggida ammaanka Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan ay durbaba la wareegeen nabadgelyada Xarunta Madaxtooyada Galmudug iyo Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in askartan ay sidoo kale la wareegi doonaan amniga goobta lagu qabanayo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, oo lagu wado in uu ka furmo Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidanka Booliska ee maanta la geeyay Magaalada Dhuusmaareeb uu hoggaaminayo Sarkaal lagu magacaabo Farxaan Qaroole.

Booliska maanta loo daabulay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay u badan yihiin Ciidamadii Booliska ee Dowladda Somaliya sanadkii hore geysay Magaalada Baydhabo, xilligii la qabanayay Doorashadii Madaxtinimada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here