Ciidamada ammaanka Baled Xaawo oo soo bandhigay laba nin oo lagu eedeeyay dilka Sarkaal Ciidan

0
671

Ciidamada ammaanka Baled Xaawo oo soo bandhigay laba nin oo lagu eedeeyay dilka Sarkaal Ciidan

Kadib hawlgal ay sameeyeen Ciidamada ammaanka Degmada Baled Xaawo, ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen laba nin oo ku eedeysnaa inay dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Baled Xaawo, waxaana raggaan lagu soo qabtay laba Bistooladood oo ay wateen & qasnado kayd u ahaa sida Saraakiisha Jubbaland ay sheegeen.

Raggaan oo Wajiyada laga xiray gacmahana ka xiran, ayaa waxaa lagu soo bandhigay Saldhiga Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo oo Ciidamada ammaanka ay ku soo bandhigeen.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa sheegay raggaasi in maxkamadda loo gudbin doono si su’aalo loo waydiiyo.

Amniyaadka Shabaab ayaa hawlgalo ka fuliya Magaalooyinka ay maamulaan Ciidamada dowladda ee ku yaallo Gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here