Casmara, magaalada gaadiidkeedu yahay baaskiilka

0
645

Casmara, magaalada gaadiidkeedu yahay baaskiilka

Dhawr arrimood ayaa sabab u ah in magaalada Casmara ee dalka Eritrea ay noqoto magaalo ay baabuurta aad ugu yaryihiin, dadkuna ay isticmaalaan baaskiilka, waxaana ka mid go’doomiyintii dublamaasiyadeed ee mudada dheer saarnayd dalkaas.

Dadka ku nool magaaladan waxaa lagu qiyaasaa 500 kun oo ruux, kuwaas oo duruufaha haysta ay ka mid tahay mushaar yari, canshuur tiro badan iyo shidaalka oo yar, taas oo keentay in ay baabuurta magaalada ku yaraadaan.

Baabuurta tirada yar ee aad ku arki karto dariiqa waa kuwa xilli aad u fog lasoo saaray.

CasmaraLahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI
Gaari dameerLahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI

Waddooyinka waa kuwa maran intooda badan, dad lugeynaya iyo kuwa baaskii ku jooga ayaa inta badan lagu arkaa.

Waddada Liberty Avenue ee Casmara

Muuqaalka magaalada ayaa ah mid aad oga duwanyahay magaalooyinka waaweyn ee Afrika oo saxmadda baabuurta meel laga maro la la’yahay.

Waxaa jirta arrin kale oo ku talogal aan ahayn oo wanaagsan oo ay horseedayso arrintan. Iyada oo welwel badan laga qabo isbadelka cimilada adduunka, dalal badan oo adduunka ah waxa ay isku dayayaan in ay dhimaan qaaca baabuurta ee hawada ku baxa, waxaana meelaha qaar lasoo rogay in baaskiil lagu socdaalo ama gaadiid ku shaqeeya tamarta cadcadeedda.

Nin ku jooga baaskiilLahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI

Dhismayaasha qadiimiga ah ee Casmara ayaa iyaguna ah kuwa dadka soo jiidanaya, iyada oo hay’adda dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO ay ku dartay goobaha ku illaashan shuruucda hiddo-dhawrka.

Waddo ku taala CasmaraLahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI

Goobaha lagu sameeyo baaskiilada ayaa ku yaala meelo badan oo magaalada ka tirsan, iyada oo dhaqanka isku filnaanshaha ee dadka uu biloowday 30 sanno ka hor markii uu dalkan qaatay xoriyadda.

Goob lagu cilad bixiyo baaskiiladaLahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI

Dadka reer Eritrea waxa ay isticmaalaan inta badan noocyada kala duwan ee baaskiilka oo ay xitaa ka mid tahay tan loogu talogalay buuraha, kuwa lagu tartamo, iyo xitaa kuwa ay isticmaalaan haweenka guryo joogga ah.

Magaca loo yaqaan waa “bicicletta” oo ah kalmad laga soo amaahday talyaaniga.

Nin baaskiil ku joogaLahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI
Presentational white space

Gaadiidka dadweynaha ee magaalada ka shaqeeya waa kuwa tiro ahaan aad u yar, waxaana aad u adag in aad kursi ka heshid maadaamaa ay markasta buuxaan. Waxaa kale oo jirta in saacado badan saf loogu jiro gaadiidka dadweynaha sidii loo heli lahaa.

Goob basaska laga raacoLahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI

Dowladda waxa ay xilli fog biloowday ololayaasha deegaanka lagu illaalanayo. Waxaa mamnuuc ah isticmaalka bacda, iyo jarista dhirta.

Dad baaskiil wata oo dariiqa lugeynayaLahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI

Inta badan dadka reer Eritrea, waxa ay ku dhibanyihiin lacagta, sidaas darteed xitaa haddii baabuurta la heli karo, dadka waxa ay sii isticmaali doonaan baaskiilka.

.Lahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI

Kadib markii ay dhowaan heshiiyeen Itoobiya iyo Eritrea, waxaa xudduuda kasoo galay badeecooyin badan oo Itoobiya ka yimid oo raqiis ah, sidaas darteed waxaa aad usoo hagaagay heerka nolosha.

.Lahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI

Hase yeeshee weli waxaa gabaabsi ku jira waxyaabaha daruuriga ah, waxaana jira waxyaabo yar oo ay dadka kala doortaan marka ay wax iibsanayaan. Kuwa badan ayaaba lugtooda maala si ay meel u gaaraan.

.Lahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI

Baaskiilka oo ay Talyaaniga bareen reer Eritrea waa sheey ay aad u jecelyihiin, waxaanaba jira tartamo aad loo xiiseeyo.

Xitaa waxaa jira xul qaran oo baaskiil ah, waxaana ka mid ah Mosana Debesay oo sawirka hoose ka muuqda isaga oo tartan kaga qeybgalaya dalka Austria bishii September.

Mosana DebesayLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
.Lahaanshaha sawirkaMILENA BELLONI

Waxaa isku soo duba riday Milena Belloni iyo James Jeffrey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here