Buuq Iyo Xaalad Kacsanaan Ah Oo Ka Taagan Xarunta Golaha Shacabka

0
394

Buuq Iyo Xaalad Kacsanaan Ah Oo Ka Taagan Xarunta Golaha Shacabka

Buuq iyo sawaxan ayaa is qabsaday Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa oo ay manta kulankoodii 1aad ku yeelanayaan Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka 11aad tan iyo markii la doortay Guddoonka.

Arrinta ayaa ka dambeysay kadib markii sida la sheegay ay xarunta galeen Xildhibaaanno gaaray 32 Xildhibaan oo laga soo doortay Ceel-waaq iyo Garbahaarrey,kuwaasi oo doorashadoodu markii horeba ahayd is-bar-bar yaac.

Muuqaallo iyo sawirro lasoo qaaday ayaa waxaa ay muujinayaa xaaald kacsanaan ah oo ka taagan xarunta, waxaana labada dhinac, midba mid ka kale uu ku eedeynaaa inuusan sharci kusoo bxin.

Fadhiga maanta ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka, tan iyo markii la doortay Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka,waxaana qorshuhu ahaa in Maanta diiradda la saaro Ajendayaal ay ka mid yihiin:

1 – Hadal jeedinta Cabdisalaan Axmed Dhabancad oo ahaa Gudoomiyihii KMG ee Golaha Shacabka.

2 – Hadal jeedinta iyo xil-wareejinta Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad.

3 – Hadal jeedinta Sheekh Aadan Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here