Bukaanno jiifay Isbitaalka Al-Shifa ee Gaza oo Daryeel la’aan u geeriyooday!

0
72

Bukaanno jiifay Isbitaalka Al-Shifa ee Gaza oo Daryeel la’aan u geeriyooday!

Bukaanno u badan Carruur oo jiifay Isbitaalka Al-Shifa ee Magaalada Gaza ayaa lasoo warinayaa in ay u geeriyoodeen daryeel la’aan caafimaad waxaana kamid ah Carruur dhiciska ah (kuwa aan bila dhammeysan) ee dhalada ee Neefta macmalka ah lagu siinayay Isbitaalkaas.

Saraakiil katirsan Waaxda Caafimaadka Dowladda Falastiin ayaa Warbaahinta u sheegay in carruurtaas ay waayeen Neefta macmalka ah (Oxygen) kaddib markii Ciidanka Yuhuudda ay diideen in uu shidaal u gudbo Isbitaalka Al-Shifa.

Teleefishinka Aljazeera oo si dhow uga xog-warrama xaaladda ka taagan Magaalada Gaza ayaa soo bandhigay muuqaallo ay ka muuqdaan Carruur aad u badan oo waayay neefta ay u baahan yihiin oo goob la isugu geeyay.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa ku dhawaaqday in halis kale ay wajahayaan bukaannada jiifa Isbitaalka Al-Shifa ee aanay weli helin daryeelka Caafimaad ay u baahan yihiin saacadaha badan oo go’doonka uu ku jiro Isbitaalkaan.

Warbixin ay dhowaan soosaartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO loosoo gaabiyo ayaa lagu sheegay in xaaladda ka taagan Gaza ay sii murjineyso Dad badan oo gargaar loo fidin karo haddii xaaladdaan wax laga baddelo.