Boqor Charles-ka 3aad ee Ingiriiska oo maanta la caleema-saarayo.

0
122

Boqor Charles-ka 3aad ee Ingiriiska oo maanta la caleema-saarayo.

Waxaa maanta la caleema-saarayaa boqorka Ingiriiska ee boqor Charles-ka 3aad si madaxiisa loo geliyo Taajka boqortooyada Dalkaas, waxaana goobjoog ka noqonaya Madax kala duwan oo lagu casuumay munaasabaddaas.

Charles saddex oo ah 74 sano jir ayaa Taajka boqortooyada Ingiriiska uu ka helay Hooyadiis (Elizabeth 2) oo geeriyootay 8dii September 2022, tan iyo xiligaas waxaa socday qorshaha maanta madaxiisa loo gelinayo taajkaas.

Isaga oo Ilmo yar ah ayaa mar madaxa loo geliyay taajka boqortooyada Ingiriiska waa sanadkii 1953dii, balse riyadaas ayaa maanta u noqoneysa mid dhab ah halka wiilkiisa uu noqonayo amiir dhaxalka taajka ka sugaya.

Ciidamo dheeraad ah ayaa loo baahday in ay amniga u sugaan waxaana Magaalada London la geeyay askar dhan 5,000 (Shan kun) oo askari si ay amniga u sugaan sida laga soo xigtay Warbaahinta gudaha oo sheekooyin badan ka tebiyay arrintaan.

Jadwalka Munaasabadda lagu boqrayo Charles-ka Saddexaad ee Britain ayaa lagu sheegay in munaasabadda lagu soo bandhigayo xusuus kala duwan oo ku saabsan waxqabadka Hooyadiis iyo waxa laga doonayo marka uu xilkaan si rasmi ah u qabto.

‘Charles III’ waxaa horyaalla qodobo badan oo ah in uu gacan adag ku hayo si aanay loo tebin Hooyadii oo howshaas heysay halka kuwo kale uu la jaanqaadayo maadaama isbaddel badan uu la kowsaday tan iyo markii Hooyadiis geeriyootaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here