Booliska Nigeria Oo War Kasoo Saaray 20 Qof Oo Lagu Dilay Kaniisad

0
434

Booliska Nigeria Oo War Kasoo Saaray 20 Qof Oo Lagu Dilay Kaniisad

Booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay in rag hubeysan oo malintii Axaddii dad ka badan 20 qof ku dilay kaniisad ku taalla dalkaasi ay iska soo dhigeen dad cibaadeysanayay.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaadday ay gudaha dhismaha bambooyin ku qarxiyeen, halka kuwo kale oo dibadda joogay ay rasaas ku fureen dadkii halkaa joogay.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ay u fuliyeen weerarka ka dhacay magaalada Owo ee koofur-galbeed.

Booliisku sidoo kale wali ma shaacin tirada rasmiga ah ee weerarkaasi ku dhimatay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay “si adag u cambaaraynayso weerarrada arxan darada ah ee lagu hayo dadka cibaadaysanaya”, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay isaga oo ku hadlaya magaca Isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Nigeria, Mattias Schmale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here