Booliska New Zealand oo xabsiga dhigay la tuhmayaal loo heesto weerarka Christchurch

0
547

Booliska New Zealand oo xabsiga dhigay la tuhmayaal loo heesto weerarka Christchurch

Laamaha booliska New Zealand ayaa xabsiga dhigay afar ruux oo mid ka mid ah ay tahay haweeney kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay qeyb ka ahaayeen weerar ka dhacay saacado ka hor magaalada Christchurch.

Warar soo baxay goor hore ayaa sheegayay in raga weerar-ka ku qaaday labada masaajid uu mid ka mid ah u dhashay wadanka Australia.

Dhanka kale waxaa heegan la galiyay laamaha amniga iyadoo howlgalo xoogan iyo gurmad loo fidinayo dadka ku waxyeelada ka soo gaartay labadan weerar oo mataanaha ahaa ay ka socdaan magaalada Christchurch.

Dowlada New Zealand ayaa weerar-kaan ku tilmaantay mid argagixiso inkastoo wali baaritaanada ay socdaan.

Muslimiinta ku nool dalkaan ayaa ah boqolkiiba hal sida lagu ogaaday tirakoob la sameeyay sanadkii 2013-kii.

Ra’isul wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dadka ay waxyeelada ka soo gaartay mashaqadaan ay tahay muslimiin soo galooti ku ah dalkiisa.

Waxaa uu sheegay in xitaa hadii ay dadkaan qaxootinimo ku galeen New Zealand ay aheyd sababta ugu weyn in ay helaan nolol wanaagsan iyo nadad balse uu ka xun yahay.

iyada oo si caro leh u hadleysay ayaa waxaa uu intaa raacisay in dalkeeda aysan fursad aysan uga banaaneyn kuwa raba naceyb-ka iyo falal danbiyeedyada.

Si kastaba ha ahaatee tani ayaa noqoneysa dilkii qasaarihii dhimasho ee ugu badnaa ee ka dhaca waqtigan casriga dalka New Zealand.

Sanadkii 1990-kii ayay aheyd markii 13 ruux uu toogasho ku dilay nin lagu magacaabi jiray David Gray kadib weerar uu ka geestay magaalada yar ee Aramoana ee dalka New Zealand.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here