Booliiska Puntland oo qabtay maxbuus dil ku xukunnaa oo baxsad ku jiray

0
57

Booliiska Puntland oo qabtay maxbuus dil ku xukunnaa oo baxsad ku jiray

Taliska qaybta booliska gobolka Mudug ee Puntland oo kaashanaya laamaha kala duwan ee amnniga ayaa ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan xukumane Shabaab Abdirahman Awal maxamed (Siigayste), kaa oo kamid ahaa 3 maxbuus oo ka baxsatay xabsiga Gaalkacyo.

Ninkan maanta lasoo qabtay ayaa kamid ahaa saddex nin oo xukunno dil ah horey ugu riday maxkamadda ciidamada Puntland , kaddib markii lagu helay in uu katirsanaa Al Shabaab uuna ka qeyb qaatay dilal waxgarad iyo dad kale oo kamid ahaa haldoorada gobolka Mudug qeybta Puntland.

Taliye kuxigeenka qeybta booliska gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) ayaana ku wareejiyay maxbuuskan baxsadka ahaa ee ciidamada ammaanka soo qabteen xabsiga weyn ee magalada Galkacyo ee waqooyiga Puntland.

Booliiska Puntland ayaa horey lacag dhan 20,000 kun oo dollar u ballanqaaday qofkii keena xog lagu soo qaban karo maxaabiista baxsadka ah, kuwaa oo qeyb ka ahaa koox katirsaneed Al Shabaab oo dhawaan lagu toogtay fagaare kuyaalla magaalada Gaalkacyo.