Blinken oo ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed & Marinka Gaza

0
82

Blinken oo ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed & Marinka Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan., ka dib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto.

Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, ka dib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya.

Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan wareejinayeen. RWe Benyamin Natenyahu ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in ay u badan tahay in militariga Israel uu amniga Gaza si abadi ah u maamuli doono, arrintaas oo walaac galisay dawladda Maraykanka.

Blinken oo warfidiyeenka kula hadlaya isaga oo jooga dalaka Japan ayaa sheegay in qorshe kasta oo Gaza la xiriira, dagaalka ka dib, inuu ahaado maamul ay Falastiin hogaamiso oo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ay ku mideysan yihiin.

Isha: VOA