Bixitaanka ciidanka Burundi ee gudaha Soomaaliya oo dib loo dhigay

0
24

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya loo kordhiyey lix bilood oo dheeraad ah, taasoo beddelaysa qorshihii hore ee lagu waday inay dhammaanayaan bixitaankooda 30-ka June 2025.

 

Go’aankan ayaa yimid kaddib kulan lagu falanqeeyey dib u dhac ku yimid howlgalka cusub ee, kaasi oo beddelaya howlgalkii hore ATMIS.

 

Dib u dhacyadaas ayaa si gaar ah ugu yimid dalalka ciidamada keeni lahaa, gaar ahaan dalka Masar, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.