Benjamin Netanyahu oo 4 cisho galay xaalad miir beel ah

0
24

Benjamin Netanyahu oo 4 cisho galay xaalad miir beel ah

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo dhowaan Warbixin idin kaga soo gudbinay xaaladdiisa caafimaad iyo in uu galayo qalliinkiisii afaraad tan iyo Oktoobar 2023kii ayaa maanta laga saaray isbitaalkii uu ku maray qalliinkaas waqtiga dheer qaatay.

Benjamin Netanyahu ayaa xaalad miir beel ah ama ogaal la’aan ku jiray muddo 4 cisho ah, waxaa saxaafadda iyo qoyskiisa laga qariyay xogtaas oo ugu dambeyn maanta bannaanka usoo baxday sida ay daabaceen warbaahinta gudaha & tan dibadda.

Netanyahu oo Wadnihiisa ku shaqeeya qalabka macmalka ah ee kaalmtaagiga u ah ayaa horay lagu wargeliyay in uu joojiyo dhafarka ama soo jeedka badan & wax weliba oo gelin kara xaalad welwel ah si uu caafimaadkiisa u hagaagsanaado.

Xaaladaha ku furan iyo mowjadaha colaadda ah uu dhex dabbaalanayo oo lagu daray kiisaska maxkamadeed ee gudaha iyo dibadda uga furan ayaa ku sababay in uu waayo hurdo istareex leh oo uu qaato saacadaha qofka loogu talagalay in uu helo.

Cirbado iyo dawooyin kale duwan ayaa lagu seexiyaa, waxaa intaas u dheer in la dejiyay dhismaha ku hoos yaalla gurigiisa maadaama suuragal ay tahay in gantaallo culus oo ka imaanaya Xuutiyiinta Yemen, Iiraan, Xisbullaah iyo meelo kale duwan ku dhici karaan.

Qoraal xog-heyntiisa kusoo qortay bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter ayaa loo ekeysiiyay in uu isaga gacantiisa kusoo qoray si Dadka xaaladdaan la socda loo dejiyo si gaar ah ehelkiisa waxaana lagu yiri “Waxa aan hadda ka baxay Isbitaalka Hadassah Ein Kerem.”

Netanyahu waa 75 jir, waxa uu la xannuunsayaa xannuun dhinaca wadnaha ah, mar weliba oo uu kordhiyo cuqabada uu ka geysanayo Dhulka Falastiin waxaa sii xumaada xaaladdiisa Caafimaad, dhowaan waxa uu soo jeediyay in colaadda la joojiyo.